ARDAA
WELCOME TO ARDAA.ORG
WELCOME TO ARDAA.ORG PDF Print E-mail

War saxaafadeed  ARDAA / PRC.Lr.12 08112010 .Agoomihii iyo Dhibanayaashii 7/11 Waxay Weli Dhowrayaan Cadaalada.

11kii Juulaay 2009, waxay aheyd maalin madow oo muraga badan. Waa maalintii dhagarta la galay dhiigna qulqulay la iskuna dayey in la burburiyo nabada Soomaalilaand ku caano maashay ee ay weliba ku faanto. Waa maalintii lagu xasuuqay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Boorama afar ka tirsan haldoorka reer Awdal oo safar ah iyakoo aan wax dambi ah galabsanin. Waxa loo xasuuqay oo loo dilay si bani’aadamanimada ka baxsan iyadoo xubnahoodiina la jarjaray sababna looga dhigay iney ka soo jeedaan reer Awdal. Waabe yaabe ma dambibaa inaad ka soo jeedo gobol gobolada dalka ka tirsan! Waxa dilkaasi naxdinta leh geystay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda aaga Gabiley.  Dhacdadani waa arrin ugub ku ah dhaqanka Soomaaliyeed, xadgudbna ku ah anshaxa suuban ee diinteena islaamka. 

Inkastoo ay ka soo wareegtay Sadex iyo toban bilood markii dilkaasi argagaxa lihi dhacay, hadana ilaa maanta lama soo qabanin argagaxisadii falkaasi geystay oo la yaqaano cidda ay yihiin, magacyadooda oo saddexan iyo meesha ay joogaanba. Arrintani waa nasiibdarro ku habsatay Soomaalilaand oo dhan, gaar ahaan dawladeeda guud ahaana bulshoweynteeda.  

Ururka ARDAA wuxu soo saaray war saxaafadeedyo tiro badan ooy ku boorinayeen dawladii hore, Golaha Wakiilada, Guurtida iyo xisbiyada mucaaridkaba in budhcadii geystay fal dambiyeedkii 7/11 ay soo qabtaan cadaaladana hor keenaan. Waxa nasiib darro ah in baaqyadaasi hore aysan cidna dheg jalaq u siinin.  Mudanayaasha Golaha Wakiiladu waxa hawshoodii curyaamiyey xasarad iyo is xagxagasho gudahooda ah, Guurtidana waxaba ragaadiyey khilaafaad dhexdooda ah, xisbiyada mucaaridkuna waxay kaba badin waayeen  dabin xidhka xukuumadii hore. Madaxweynihii horena wuxu door biday in falkani foosha xun ee la magac baxay xasuuqii 7/11 bustaha huwiyo ilaa inta ay dhamaaneyso doorashadii madaxweynaha ee la qabtay 26kii Juun 2010 ee lagaga guuleystay. Meeshaasi waxa ku beylahday oo weliba ku burburtay dantii dadweynaha.

Bishii Noofambar 2009 waxa qarax lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaalilaand isagoo joogay magaalada Laascaanood. Dawladii markaa xilka haysay  waxay soo qabqabatay dad fara badan oo ay ku soo eedeysay falkani dilka ah iney fuliyeen amase ka dambeeyeen. Maxkamad ayaa la soo taagay waana la xukumay.  Nasiib xumo dawladaasi waxba kama qabanin fal dambiyeedkii qorsheysnaa ee weliba siyaasadeysnaa  ee lagu bartilmaansaday haldoorkii reer Awdal dhacayna 7/11/2009, inkastoo la yaqaano budhcadii fulisay. Tani waxay tusaale cad u tahay in dawladii hore awood u laheyd iney soo qabato gacan ku dhiiglayashii  geystay jidgooyada , hase yeeshee aysan dooneynin iney sidaa yeesho sababo ku saleysan siyaasado guracan awgood.

Madaxweynaha hadda xilka qabtay isaga oo markaa ahaa Guddoomiyhii xisbiga Kulmiye, qaraxa  ka dhacday Laascaanood ee lagu dilay sarkaalka, dabagelkii dhagartaa wuxu ula socday talaabo talaabo. Xataa wuxu gaadhay in eedeeda  dusha ka saaro madaxweynihii xilka uu kala wareegay. Waxase nasiib darro ah in jidgooyadii lagu gumaaday afarta muwaadin afkiisa ka xirtay, indhiisana  ka qarsaday.  Su’aasha maanta taagan ee la is weydiinaayey waxay tahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo maanta madaxweyne ihi ma ka aamusidoonaa dilkaasi gardarada ah oo idhihiisa ma ka daboolandoonaa.  Dhacdadani 7/11 ee lagu laayey dadka aanan waxba galabsan waxa xalkeeda looga fadhiyaa madaxweynaha xilka la wareegay. Waxan madaxweynaha ku boorinaynaa oo annu kula talinaa in u fal dembiyeedkaasi dhacay 11/07/2009 dabagel ku sameeyo oo ciddii dilkaasi geysatay cadaalada horkeeno. Madaxweynaha cusubi ha ogaado in maal iyo mansab midna dadka wada gaadhin ee waxa wada deeqi-karaayi tahay cadaalad.

Hadaanu nahay ururka ARDAA waxaan aaminsanahay in cidkasta la qadariyo oo aan loo eegin meesha ay ka soo jeedaan . Sidaa awdeed, waxaan heegan u nahay inaan garaacno albaab kasta oo annu cadaalada ugu helayno marxuumiintaa aan waxba galabsan ee gardarada lagu gumaaday maalintii 11/07/2009 iyo weliba wixii dulmanba ee ku nool aduunka daafihiisa. Dhamaan hay’adaha xuquuqda dadka u dooda ee heer caalami wey ka dharagsan yihiin weerarkii budhcadu ku dishay afarta muwaadin, waxayna si feejigan u fiirinayaan wixii dawladan cusubi ka qabato.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, Golaha Wasiirda, xisbayada qaranka, mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo Guurtida iyo dhamaan dadweynaha reer Soomaalilaand, waxaan ugu baaqaynaa iney iska tuuraan heeryada qabiilka iyo qashinkiisa oo cadaalad u raadiyaan dadkii jidgooyada lagu dilay oo dhagar qabayaashii iyo wixii ka dambeeyeyba soo xirxiraan maxkamadna horkeenaan. Waxaad ogaataan ood waliba maankiina ku haysaan in agoomihii iyo dhibanayaashii 7/11 ay weli dowrayaan cadaalada.

Ugu dambeyntii, waqtigani ay weerka xidhan yihiin agoomihii iyo dhibanayaashii gumaadkii ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Boorama, waxaan dadweynaha Soomaalilaand iyo dadyowga nabada jecel ee ku nool aduunyada dacaladeeda oo dhan ugu baaqaynaa iney xusaan maalintaa madow ee 11/07/2009 ooy Eebe uga baryaan in janadiisa fardowsa ka waraabiyo marxuuminta gacanta ka gardarini gowracday ee kala ahaa Cali Maxamed Nuur (Bagaaashle), Cali Sheekh Cumar Barre, Mawliid Xasan Cumar, iyo Daa’uud Xaashi Jaamac.

Ururka “ARDAA”
e-mail:
11/08/2010

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaka oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.   



07/10/2020 ARDAA Press Release Commemoration of first anniversary of 7/11 massacre. On the eve of the 1st  annversary of brutal  killings of Awdal citizens in Dilla /Kalabaydh area, ARDAA is calling upon the president -elect and his new adminstration to address a major concern from the communities-- Read More and Click  Here